Muqdisho(Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa maanta ka duulay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Doha ee dalka Qatar.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in casuumaad uu ka helay madaxda dowlada Qatar, isagoo sheegay inuu kala soo hadli doono arimaha horumarka wadanka gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Isagoo saxaafada kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in madaxda casuumaada u fidisay uu u bandhigi dooni horumarka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.




Caasimada Online
Xafiiska Wararka
Muqdisho-Somalia

