30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

SAWIRRO: Shirkii Aadan Cadde oo soo idlaaday iyo Xasan iyo Cabdi Weli oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo idlaaday shir ay ka qeyb galeen madaxweyne Xasan Sheikh iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Shirkaasi waxa sidoo kale ku sugnaa wakiilka gaarka ee Xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, madax ka socota midowga Yurub iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada shirka ayaa aheyd u gogol xaarka shirka Hiigsiga cusub ee Soomaaliya ama New Deal oo la filayo in lagu qabto dalka Denmark.

Waxaa jirkaasi goobjoog ka ahaa madax ka socota maamul goboleedyada qaar ee ka dhisan gobolada dalka Soomaaliya, sida madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale.

Si dhab ah looma hayo faahfaahin ku aadaan shirkaasi kusoo idlaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

312

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News