Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaad Sheekh Daahir oo ah Afhayeenka Shirka Baydhabo ee lagu dhisayo Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa waxa uu daaha ka rogay in Ergooyinka ay maalinta Khamiista ah dooran doonaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Afhayeenka ayaa shaaciyay in taariikhdu marka ay tahay 13-ka kuna beegan maalinimada Khamiista ay si rasmi ah u dhici doonto doorashada, waxa uuna Tilmaamay in isla maalinta xigta ay dhaarin doonaan Madaxweynaha cusub.
Hadalka kasoo yeeray Afhayeenka Shirka Baydhaba ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay uu qoraal wadajir ah kasoo baxay Saddexda Mas’uul ee ugu saraysa dalka kuwaasi oo amar ku bixiyay in shirka la hakiyo muda Laba isbuuc ah si wadatashi loo sameeyo.
Sidoo kale, Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kamid yahay Mas’uuliyiinta ugu cad cad inuu ku guulaysto xilka Madaxweynaha koonfur Galbeed Somalia, waxaana iminka halkaasi si xooli ah uga socda Ololo xoogan oo uu wado Shariif Xassan.
Hadii Shariif Xasan la doorto wuxuu noqonayaa xildhibaanka labaad ee dadkiisu udoortaan madaxweyne maamul goboleed isagoo labeen doona Cali Khaliif Galayr oo reer Khaatumo u doorteen madaxweyne.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]