Muqdisho (Caasimada Online) – 31 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo qaarkood dibadaha ka soo laabtay, qaarka kalana ay la safnaayeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada, ayaa waxaa la sheegay inay ku soo biireen Xildhibaanada taabacsan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee la safan Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxa uu saxaafada u sheegay inay ku soo biirtay 31 Xildhibaano, sida uu yiri.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa iftiimiyay in tirada Xildhibaanada ka soo horjeedo Ra’iisal Wasaaraha, ay hadda gaareyso 181 Xildhibaano, ayna diyaar u yihiin inay codka kalsoonida kala laabtaan Wasiirka 1-aad ee Xukuumada C/weli Sheekh Axmed.
Xildhibaanka oo Saxaafada kula hadlay Hotel Naasa Hablood II, ayuu sidoo kale sheegay inay diyaariyeen dokumenti, ay ugu talla galeen inay u gudbiyaan Guddoonka Sare ee Baarlamaanka, mana jirto wax tafaasiil ah oo uu ka bixiyay.
Laakiin Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka barbar hadlaayay Xildhibaan Jeesoow, ayaa sheegay in dokumentigu uu xambaarsan yahay, dhiira-gelin ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ugu jeedinayaan inuu qabto kalfadhiyadii Baarlamaanka.
Xildhibaan Xayir, ayaa cod kore ku sheegay in Prof. Jawaari uu lee yahay awoodo dheeraad ah oo u ogolaanaaya qabsoomida kalfadhiyadii Baarlamaanka, si Xildhibaanadu kaga doodaan mooshinka ka yeela Wasiirka 1-aad.
Si kastaba, tiradan xildhibaanada ah ayaan wax macno ah sameeneyn maadaama Jawaari uu sheegay inuusan mar dambe mooshin ka dhan ah Cabdi Weli horgeyn doonin baarlamanka. Halkan ka aqri.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

