Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Baydha ayaa sheegaya in Ergooyinka qaar ay halkaasi ku doorteen Madaxweyne kale oo la sheegay in looga soo horjeedo Shariif Xasan Sheekh Axmed.
Madaxweynaha labaat ee la doortay ayaa waxaa lagu magacaaba Cali Maxamed Yusuf oo ku magac-dheer (Cali Shukur) loona doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Sadaxda gobol.
Sidoo kale, Arrintaani ayaa ka dambeysay kadib markii Ergooyinka qaar ay ka carooden baalmar lagu sameeyay Nidaamka ay doorashada u dhaceysay, waxaana la Tilmaamayaa in arrinkaasi kadib ay Odayaasha ku dhawaaqen in Cali Shukur uu yahay madaxweynaha saxda ah.
Dhanka kale, wararku waxa ay Tibaaxayaan in Cali Shukur oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Seddexda Gobol uu wato Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Somalia oo isagu kasoo horjeeda Siyaasada Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Saacado ka hor dhicitaanka Doorashada ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Gudoomiye Jawaari oo sheegay in doorashooyinka Baydhabo ay yihiin kuwo wax kama jiraan ah islamarkaana aysan aqoonsan doonin maamulada ka jira.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

