28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wasiiradii R/W Cabdi Weli is-casilaadda ka dalbaday oo weerar lagu qaaday!!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – XIldhibaan Abtidoon oo kamid ah Golaha Baarlamaanka DF Somalia ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia ay R/W C/weli ku amraan inuu Is Casilo.

Waxa uu sheegay in sharci ahaan arrintaasi ay tahay mid qaldan, islamarkaana loo baahan yahay in Wasiirada Xukuumada ku jira ay dib usoo bartaan Nidaamka diplumaasiyadeed iyo xeerarka ku qoran Dastuurka, sida uu hadalka u dhigay.

Abtidoonka oo ka hadlaya Wasiiro la sheegay in Ra’isul Waraaha u gudbiyeen warqad is casilaad, ayaa waxa uu yiri “Qoraalkaas haduu jiraba, wax sharci ah oo uu heystaahi ma jirto, qodob uu ku taagan yahay ma jirto, Wasiirka waxaa u banaan haduu la talinayo Ra’isul Wasaaraha Channel ay ku wada xiriiraan, waa gole ay ka wada mid yihiin oo Ra’isul Wasaaruhu Gudoomiye ka yahay , intuu u tago oo Ra’isul Wasaaraha la taliyo waa wa sax ah, Ma yeelini Idaacadaha inta laga hadlay ayaa la yiri: Ra’isul Wasaaraha ayaan hawada u marinaynaa in uu is casilo, sharci darro waaye”.

Waxa uu hadalkiisa intaa kusii daray “Wasiirku waxaa uu xaq u leeyahay asaga wixii quseeya, inuu iscasilo ama in uu Xubin ka ahaado wasiirku xaq ayuu u leeyahay Lakin in wasiirka Ra’isul Wasaarihiisii iscalis yiraahdo waa wax cajiib ah”.

Sidoo kale, waxa uu Arrin laga xumaado ku sheegay in Siyaasada DF ay noqotay mid marba meel looga raadsado dhaqaale, waxa uuna ka digay in Sharciga DF lagu fasahaadiyo Dhaqaale qaadasho.

Dhanka kale, waxa uu soo dhaweeyay Go’aanka uu R/W C.weli ka qaatay Wasiiradaasi oo ahaa inay Istiqaalo soo gudbiyaan, waa haddii aysan rabin xubintooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News