32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

ETHIOPIA oo si rasmi ah uga hadashay khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr.Tedros Adhanom oo ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Ethiopia kana mid ahaa Madaxda lagu marti qaaday shirka ka socda magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark, ayaa sheegay in Dowladiisu ay aad uga walaacsan tahay Khilaafka Madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli

Wasiir Tedros oo Khudbad ka jeediyay shirka Copenhagen ayaa waxa uu sheegay inay ka go’antahay xal uhelida khilaafka madaxda Somalia isagoona sheegay in xal u raadinta Khilaafkaasi ay la kaashan doonaan Beesha Caalamka.

Mr Tedros Adhanom waxa uu sidoo kale xiligaani rajo wanaagsan ka muujiyay in mustaqbalka Somalia, waxa uuna yiri isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ‘‘Labaatan sanno oo burbur iyo xasilooni dara ah kadib waxaa muuqata rajo ah in Somalia ay ka dhalato nabad iyo xasilooni, waana mida aan wada sugeynay”

Dhinka kale, waxa uu Tedros Adhanom farta ku goday in xalinta dhibaatada wajiyada badan ee Somalia ay u baahan tahay wakhti dheer iyo dedaal joogta ah oo dhanka Soomaalida iyo beesha caalamka ah.

Waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanuday in Baaq nabadeed la kala dhex dhigo Labada Mas’uul ee uu Khilaafka u dhexeeyo, isagoona ka digay in Khilaafyada noocaasi ah uu burburiyo hanaanka Dowladnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News