32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

R/W Cabdi Weli oo jawaab adag siiyay danjire Affeey kadib markii uu amray…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay xafiiska ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha uu ka carooday fariin kaga timid Ergeyga ururka IGAD ee arrimaha Somalia, danjire Maxamed Cabdi Affeey.

Wararkaayaa sheegaya in Affeey oo warqad usoo diray Cabdi Weli uu ku wargaliyay inay mudan tahay inuu Iska Casilo xilka uu ka haayo Xukuumada Somalia.

Warqada ayaa lagu sheegay inay ku qornaayen errayo kul kulul oo uu danjire Affeey usoo adeegsaday Cabdi Weli, hase yeeshee arrintaasi uu aad uga carooday C/Weli kana bixiyay Jawaab adag.

Sida la sheegay Affeey, ayaa waxa uu dowladda Ethiopia ka aqbalay in la cadaadiyo Cabdi Weli, maadaama Ethiopia ay la safan tahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdi Weli oo arrintaasi Jawaab adag ka bixiyay ayaa la sheegayaa in Danjire Affeey uu ku eedeeyay inuu yahay ruux aan xiligaani ka gadmeynin dalka Somalia, isagoona uga digay inuu kusii fogaado mowqifkiisa dhanka u janjeere.

Xubno ku dhow xafiiska Cabdi Weli aya Caasimada Online u sheegay in qaar ka mid ah erayada ku qornaa warqadda ay ka mid ahaayeen “Somalia xiligaani uma baahna faragalin ururo shisheeye, Xukuumadu uma dulqaadan doonto faragalinta Ururo goboleedyada, waxaan Danjire Affeey kaaga digeynaa inaad kusii dhiirato faragalinta Khilaafyada madaxda, Somalia iyada ayaa heshiin kara, waana mid aan ka dharagsanahay Khilaafka jira”

R/W C/weli oo ay ku kacsan yihiin duufaano Siyaasadeed ayaa waxa uu xiligaani kacdoon kala soo horjeeda Ururada faragalinta ku hayo Siyaasada dalka iyo weliba Dowlad ay kamid tahay Ethiopia oo aan u dhaga-nugleyn Siyaasadaha Xukuumada Somalia ay ku talaabeyso.

Dhinaca kale waxaa muuqata in dalalka deriska iyo beesha caalamka ay arrinta isku khilaaafsan yihiin, ayada oo reer galbeedka ay la safan yihiin Cabdi Weli, halka Ethiopia-na ay la safan tahay  Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News