26.4 C
Mogadishu
Monday, December 15, 2025

XOG: R/W Cabdi Weli oo C/WELI GAAS kala hadlay khilaafka kana codsaday…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa Ra’isul wasaare Cabdi Weli iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas ay ka hadleen khilaafka ka dhex ooggan madaxda sare ee DF.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Cabdi Weli ka dalbaday Gaas inuu soo faro-geliyo ama si muuqata uu uga hadlo khilaafka, si cadaadiska caalamiga ah ee saran Xasan Sheekh loo sii kordhiyo.

Inkasta oo ay caddahay in Puntland ay la safan tahay Cabdi Weli, haddana waxa ay weli ka gaabsaneysaa inay banaanka usoo saarto mowqifkeeda.

Waxa uu sidoo kale weydiistay inuu ka fekero arrimo ay ka mid yihiin inuu xiriirka u jaro madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo ku sababeeyey inuu si hoose u diidan yahay heshiiskii DF iyo Puntland.

Sida ay xogtan leedahay ra’iisul wasaaraha ayaa aaminsan in haddii Puntland ay muujiso mowqif ka dhan ah Xasan Sheekh ay taasi caalamka u muujin karto in madaxweynuhu qaldan yahay, ayna dhinacyo badan kasoo horjeedaan.

Lama oga, goorta ay Puntland si rasmi ah uga hadli doonto khilaafka madaxda sare ee DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News