Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayaa si cad caalamka wuxuu uga dalbaday inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arimaha la xiriira khilaafka Madaxda dowladda Federaalka ka dhex-taagan.
Jawaari ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegay Magaalada Muqdisho, xilli uu Saxaafadda la hadlaayay, waxaana uu tilmaamay in dhowr mar ay soo mareen khilaafyo caynkaan oo kale ah, balse wuxuu qiray in khilaafkaan uu culus yahay, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in Baarlamaanka uu xaliyo.
Waxa uu sheegay inay garanayaan sida loo xaliyo khilaafyada caynkaan oo kale ah, islamarkaana uu ugu baaqayo beesha caalamka inay joojiyaan faragelinta tooska iyo mida aan tooska aheyn ee ay ku hayaan amuuraha la xiriira khilaafka jira.
Jawaari ayaa tilmaamay in hadii lagama maarmo ay noqoto in tallooyin ay uga baahdaan beesha caalamka ay weydiisanayaan, balse hada aysan jirin baahi keeni karta in khilaafka madaxda udhaxeeya lasoo farageliyo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inuu ku dadaalaayo sidii uu isugu keeni lahaa Xildhibaanada labada garab kala taageersan si loo dhameeyo khilaafka oo wadahadal dhexdooda looga abuuro.
Xubno kamid ah Beesha caalamka ayaa faragelin ku sameeyay khilaafka udhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka , inkastoo ilaa hada aysan ku guuleysan xalinta khilaafkaasi.
Khilaafka madaxda dowladda udhaxeeya ayaa cirka isku shareeray, markii xubno kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ay gudbiyeen mooshin la doonaayo in lagu rido Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Isha dhacdo

