Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhaw nasoo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goor dhow dhaawac u geysteen Cornel Hufle oo kamd ah Saraakiisha Ciidamada Militariga Somalia ee Gobolka Gedo.
Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Hodan gaar ahaan Isgooyska Tarabuunka, waxaana la Tilmaamayaa in weerarka uu fuliyay Askari ku Labisnaa dareeska Ciidamada DF Somalia.
Cornel Hufle ayaa waxa ay rasaasta uga dhacday Lugta midig,waxaana Dhaawaciisa loola Cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, waxaan la Ogeyn Ujeedka weerarka loogu qaaday Hufle, inkastoo dadka qaar ay sheegayaan in qorshu ahaa in la dilo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

