31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

XILDHIBAANNO u hanjabay JAWAARI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Baarlamaanka DF Somalia, ayaa sheegaya in Xildhibaanada taageersan R/W C/weli Sheekh ay u goodiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hanjabaadani ayaa waxa ay ka danbeysay kadib markii maalinimadii shalay uu kulan adag dhex maray Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada taageersan R/W C/weli, iyadoona kulankaasi uu Fashil ku dhamaaday.

Xildhibaanada ayaa waxa ay Gudoomiyaha ugu goodiyeen in Kulanka soo socda ay qaadi doonaan Nabi ammaan, islamarkaana ay sameyn doonaan Foodooyin ka dhan ah Xassan iyo Jawaari, sida ay hadalka u dhigeen Xildhibaanadaasi.

Waxa ay sidoo kale, ka digeen in Mar kale Baarlamaanka la hor keeno Mooshin ka dhan ah C/weli, haddii ay taasi dhacdana ay jaan-rogi doonaan Fadhiga Baarlamaanka.

Dhanka kale, Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay inay soo gaarayaan Hanjabaado ka imaanaya dhanka Xildhibaanada R/wasaaraha taagersan in markaan ay digri iyo nabi amaan qaadi doonaan hadii mooshin la keen, wuxuuna tilmaamay in culeysku hada yahay mid dalka saameynaya.

Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo Labadi kulan ee ugu dambeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka uu Xakameyn waayey kulanka, waxa ayna ku dhamaatay fowdo iyo buuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News