28.6 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Faysal Waraabe: Xasan wuxuu rabaa in uu Somalia ku celsho dagaal sokeeye

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng: Feysal Cali Waraabe oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dhacdooyinka ka taagan Somalia ay tahay mid aan dhagaha u rooneyn.

Eng: Feysal cali Waraabe ayaa waxa uu hadalkiisa diirada ku saaray dhismaha Maamulka Koofur Galbeed, waxa uuna ka digay in Madaxweyne Xassan uu sabab u noqdo in Umadda Soomaaliyeed ay isku laayan hadal uu warbaahinta si sahlan uga sheego,waxaana uu tilmaamay in dhibaatada ugu badan ay keeneyso Maamulada tirada badan ee Dalka laga dhisayo.

Waxa uu Tilmaamay in aqoonsiga maamulada dalka uu aqoonsanaayo ay isku dilayaan Beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna arrinkaasi ku tilmaamay mid ku saleysan Khilaafka kala dhexeeyo R/W C/weli.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Taageerada uu u fidiyay Maamulka Koofur galbeed ay tahay mid uu ku burburinaayo hadalkii kasoo yeeray R/W C/weli iyo Jawaari, kaasi oo ahaa in DF aysan aqoonsan doonin Maamulka Baydhabo lagu dooranaayo.

“Tusaale waxaan u soo qaadanayaa Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia oo maalmo ka hor laga dhisay Magaalada Baydhabo Madaxweynaha ayaa Taageeray waxaana jira Dad badan oo ka soo horjeeda,Soomaaliya dagaal iyo Qabiil la isku dilo wey ka soo daashay,Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa uu rabaa in Qabiilkii dib loogu laabto”sidaa waxaa yiri Mr Waraabe.

Dhanka kale, Eng: Faisal waxa uu daboolka ka qaaday in Madaxweyne Xassan uu talaabo waliba ku burburinaayo Amarada kale ee kasoo baxa Madaxda isaga ka hooseysa, hayeeshee waxa uu ka digay in si sahlan lagu aqoonsado Maamulada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News