27 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

Odayaasha beelaha Hawiye oo war ka soo saaray khilaafka Xasan iyo C/Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanaka beelaha Hawiye, ayaa waxa uu sheegay in meel xun uu gaaray khilaafka Madaxweynaha Dowladda Somaliya kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inay muddo shayda ka eeggayaan khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda, balse aan intaan ka dib la sii eeggan karin, oo loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay inay la socdaan in khilaafka Madaxda Dowladdu uu kala qaybiyay Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka, isla-markaana ay ogyihiin waxa ay Beesha Caalamka kaga jawaabtay.

Nabadoonka, ayaa hoosta ka xariiqay inay ku baaqayaan in la soo celiyo doorkii Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed, maadaama aas aaska Dowladdaan ay lee yihiin Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Somalida.

Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay inay soo celiyaan doorka Odayaasha Dhaqanka, si iyagana loo ooggo bal waxay ka qaban karayaan, khilaafka culus ee jira.

Khilaafka xargaha goystay ee taagan, ayaa waxa uu xiisad siyaasadeed ka abuuray Magaalada Muqdisho, iyadoo ay kuu muuqaneyso sida Xildhibaanada Baarlamaanka ugu kala qaybsamayn, uuna u hakiyay fadhiyadii Golaha Wasiirada.

Wasiirada qaarkood, ayaan wax war ah ka dhageysan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya C/weli Sheekh Axmed, waxayna qeexeysaa heerka uu gaarsiisan yahay is maandhaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News