Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta mar kale kulan ku yeeshay xildhibaano ka tirsan baarlamanka gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda mowshinka kalsooni kala noqoshada ah ee laga keenay raisul wasaaraha Somalia.
Waxaa kulankaas ka qeyb galay xildhibaano aan tiradooda la shaacin oo la sheegay iney ka mid ahaayeen kuwo saxiixay mowshinka ka dhanka ahaa raisul wasaaraha kuwasoo sheegay iney bedeleen fekerkooda haatana ay ka soo horjeedaan mowshinka.
Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow oo sheegay inuu ka mid ahaa xildhibaanadii saxiixay mowshinka oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay sababta uu fekerkiisa u bedelay.
“Waxaan ka mid ahaa xubnihii saxiixay mowshinka hase ahaatee hadda waan ka soo horjeestay ka dib markii aan arkay in mowshinkan geysan karo iyo halista uu dalka, dadka iyo dowladaba u leeyahay” ayuu yiri xildhibaan Abshirow.
Intaa ka dib xildhibaanka ayaa saxaaafada u akhriyey baaq ka soo baxay maanta xildhibaanada diidan mowshinka kaasoo lagu soo dhoweeyey go’aamadii ka soo baxay kulankii maalmo ka hor ay isugu yimaadeen golaha wasiirada.
Anagoo ah xildhibaanada u taagan ilaalinta sharciga iyo dastuurka dalka waxaan yeelanay kulan waxaana ka soo saarnay baaq qodobadiisa ay ka mid yihiin in la taageero golaha wasiirada oo shaqadooda si habsami leh u wata” ayuu yiri xildhibaanka
Waxaa uu sheegay iney ku bogaadinayaan golaha wasiirada ansixinta miisaaniyada 2015 iyo labo hindise sharciyeed taasoo la xiriirta ayuu yiri hiigsiga 2016-ka.
“Waxaan madaxweynaha uga digeynaa fara gelinta uu ku hayo golaha xukuumada, isagoo markii uu shaqeyn waayey mowshinka sharci darada ah bilaabay inuu kala qeybiyo golaha wasiirada taasoo keeni karta caraqalad ku timaada howlaha Qaranka” ayuu yiri xildhibaanka oo sii hadlayey.
Wuxuu intaas ku daray iney taageerayaan aragtida beesha caalamka ee Somalia iyo go’aanadii ka soo baxay shirka Copebnhagen ee ku wajahan inaan loo baahneyn in xiligan la carqaladeeyo hiigsiga 2016ka ee Somalia.
Waxaan ku baaqeynaa in a ilaaliyo midnimada baarlamanka lagana ilaaliyo wixii carqaladeyn kara howlihiisa” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey xildhibaan Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow.
Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa akhriyay go’aankii maanta kasoo baxay kulankii ay Xildhibaanadu yeesheen, waxana ay ku baaqeen golaha Wasiirrada in ay shaqadooda sii wataan, isla markaana ay soo dhaweynayaan fadhiyadii u danbeeyay ee goluhu yeeshay kuwaas oo lagu meel mariyay dhowr Hindise iyo miisaaniyadda Dowladda.
1. In la taageero Golaha Wasiirrada oo shaqadoodii si habsi ah u socoto, anagoo ku bogaadinaynaa go’aamada ay ku ansixiyeen labo Hindise Sharciyeed iyo Miisaaniyadda 2015 taas oo la xiriirta Hiigsiga 2016.
2.Waxaan Madaxweynaha uga digaynaa faragelinta joogta ah oo uu ku hayo golaha Xukuumadda, iyadoo markii ay diideen Baarlamaanku mooshinka sharci darrada ah uu bilaabay inuu kala qeybiyo golihii Wasiirrada taas oo keeni karta curyaamin shaqadii dowladda.
3. Waxaan taageeraynaa baaqyada Beesha Caalamka iyo go’aamadii kasoo baxay shirka Copenhagen ee ku aadan in aan waqtigaan loo baahayn in la carqaladeeyo hiigsiga 2016, looguna baaqayo hoggaanka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo u turaan ummada Soomaaliyeed, arrintaas oo si cad u sheegaysa in Madaxweynuhu joojiyo mooshinka uu wado, kuna taageero Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda howsha muhiim ka ah ee ay gacanta ku hayaan.
4. Waa in la ilaaliyo midnimada Baarlamaanka, lagana hortago wixii carqaladaynaya howsha baarlamaanka oo ay ahayd in uu meel-mariyo howlaha horyaala kalfadhiga 5-aad ee ay usoo gudbiyeen golaha Wasiirrada.





