32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxey xildhibaannada raacsan Xasan Sheikh ka yiraahdeen go’aanki Jawaari

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo qorax dhicii shalay uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari soo saaray Go’aan lagu joojinaayo Mooshinada socda, ayaa waxaa Arrintaasi kasoo horjeestay Xildhibaano ka tirsan BF Somalia.

Xildhibaanada joojinta Mooshinka kasoo horjeestay, ayaa waxaa kamid ahaa Cismaan Xaaji oo sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka uu ka shanqariyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waxa uu sheegay in Go’aanka Jawaari uu yahay mid Sharci daro islamarkaana Baarlamaanka uu doonayo in uu Afduubo.
Waxa uu Tilmaamay in Jawaari uu si ganbasho la’aan ah ula jiro R/W C/weli, hayeeshee taasi aysan u suuragali doonin inuu is hortaago Mooshinka lagu soo afjaraayo Xukuumada C/weli.

Sidoo kale Xildhibaan C/fitaax Mataan ayaa Dhankiisa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari uu qaatay Go’aan Dhaxal gal ah maadaama Baarlamaanka ay Gacanta iskula tagi lahaayeen, waxa uuna soo dhaweeyay Go’aankaasi lagu hakinaayo Mooshinada.

Dhanka kale, Go’aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa soo dhaweeyay R/W C/weli Sheekh Axmed oo sheegay in Hakinta Mooshinka uu yahay mid ku jira xasiloonida dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News