Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw soo gaba gabowday tirinta codadka mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana codka loo qaadayay qaab gacan taag ah.
Xarunta golaha shacabka waxaa soo xaadiray 235 mudane, waxaana codeynta ka qeyb galay Gudoomiye ku xigeenada oo Laba ah iyo sidoo kale Habdhowraha Baarlamaanka, taa oo wadarta guud ka dhigtay 235 xildhibaan.
Ilaa 7-saf ayaa loo qeybiyay xildhibaanada, iyadoo saf saf codka looga qaaday, waxaana saf walba markii uu dhamaado la sheegayay natiijada.
Markii lasoo gaba gabeeyay codeynta, waxaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Xildhibaanada Aqbalay mooshinkaan waxay noqdeen 153 Xildhibaan waxaa diiday 80 xildhibaan halka ay ka aamuseen 2, waxaana sidaasi ku dhacday xukuumadii uu hogaaminaayay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

