28.5 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Xildhibaanadii taagersanaa Cabdi Weli oo ku dhaqaaqay arrin laga naxo (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaro Xarunta Baarlamaanka DF Somalia, ayaa sheegaya in Xildhibaanadii taageersanaa R/W C/weli Sheekh Axmed ay xiligaani u codeynayaan in la rido Xukuumada R/wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadaasi ay kalsoonida kala laabteen R/W C/weli Sheekh Axmed, waxa ayna goobta ka shaaciyeen in Xukuumada C/weli ay u muuqaneyso mid uu gabalkeeda sii dhacaayo, hase yeeshee ay taageero u muujinayaan Madaxweyne Xasan.

Waxaa illaa iyo hadda lala yaaban yahay, sababta keentay in xildhibaanno muddo badan taageero u ahaa Cabdi Weli, ay is-beddelaan markii lasoo gaaray waqtigii ay codkooda ku difaaci lahaayeen.

Sidoo kale, waxa ay kaamiradu qabaneysaa Xildhibaanada u Ololeynaayay Madaxweyne Xassan oo dhagta wax ugu sheegayo kuwa taageersan R/W C/weli ee ku adkeysanaya in xukuumadda la rido.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News