28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DEG DEG: Qaabka codka loo qaadayo oo go’aan rasmi ah laga gaaray (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa meel xasaasi ah maraya kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana goordhow la galay dhaarinta xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow banaanka kaga baxay goobta shirka uu ka socdo, wuxuuna galay xafiiskiisa oo ku yaala gudaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedada ayaa ah sidii loo dhaarin lahaa howlwadeenada golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana la qorsheynayaa in goor dhow codka la qaado.

Sida ay xogta Caasimada Online sheegeyso, waxaa codka uu noqon doonaa mid gacan taag ah. Xubnaha la dhaarinayo waa kuwii tirin lahaa codadka gacan taaga ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in ujeeada dadkaasi loo dhaarinayo ay tahay sidii si cadaalad ah ay u sameyn lahaayeen cod tirinta.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News