28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Xog hadda soo dhacday: Xildhibaanno tanaasulay + Jawiga guud ee madasha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Jawiga Xarunta ayaa ah mid degan waxaana laga dareemayaa xaalad degnaansho, islamarkaana xildhibaanada labada dhinac ay muujinayaan kalsooni ah in midba uu guuleysan doono.

Gudaha Xarunta ayaa waxaa ku sugan Saraakiil iyo Ciidamo dhar cad, waxaana hadda la dhageysanayaa khudbadaha ay jeedinayaan xildhibaanada ay u harsan tahay dooda.

Inta la Ogyahay Waxaa hadda kasoo qaybgalay kulanka 211 Xildhibaan, iyadoo hada ay bilaabatay dooda la xiriirta mooshinka, waxaana hadli doona 31 Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanadii isqoray. Qaar ka mid ah xildhibaanadaas ayaa goor horeba hadlay.

Sidoo kale xog cusub ayaa sheegeysa in xildhibaanno ay ka tanaasuleen inay hadlaan, si codka loo guda galo. Inta badan xildhibaanada tanaasulay waa taageerayaasha madaxweynaha.

Wixii soo kordha ha ka dheeraan Caasimada Online insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News