Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow furmay kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ummada Soomaaliyeed ay dhegta u wada taagayaan natiijada kasoo bixi karta.
Waxaa shir gudoominaya gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, waxaana soo xaadiray xildhibaano tiradooda gaareyso 211, sida uu sheegay wariyaheena oo ku sugan golaha shacabka,kana xigtay guddoomiyaha baarlamanka.
Xildhibaanada ayaa waxaa marka hore ay dhageysanayaan dooda xildhibaano gaaraya 31 mudane kuwaasi oo ka dhiman xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo is qoray si ay u hadlaan.
Waxaa ilaa iyo hadda hadlay ku dhawaad 7 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo kamid ah 31 xildhibaan ee maanta hadalka qaadan doona.
Marka ay lasoo gebo gebeeya dooda xildhibaanada, kadib waxaa codka kalsoonida loo qaadi doonaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.
la soco waxii kusoo kordha insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]