25.7 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

COD-BIXIN: Ra’yi ka dhiibo kullanka BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay codka kalsoonida u qaadaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu qorshaha yahay.

Mooshinka oo maalmahan laga doodayay ayaa waxaa saxiixey 139 xildhibaan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin wasiiro ku jira golaha wasiirada oo sidoo kale xubno ka ah baarlamaanka.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo ammaanka waxaa sugaya ciidamo Nabadsugida iyo Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama filayo wax buuq ah ama fowdo, sidii horey u dhacda, maadaama xildhibaanada labada dhinac ay wada ogol yihiin mooshinka.

Dhanka kale, waxaa xusid mudan in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ukala qaybsan yihiin labo garab oo kala taageersan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha. Dhinac kasta wxa uu kuu sheegayaa inay guuleysan doonaan.

Haddaba aqriste codkaaga iyo ra’yigaaga nagala qeyb gal

[socialpoll id=”2235753″]

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News