26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Jawaari oo galay heshiis “tiro kordhin” codadka baarlamanka ee maanta (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa la sheegay ay iskula meel dhigay hal arrin oo ay ka dhalan karto Xasaasiyad, sida ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan BF.

Xildhibaanno la hadlay Caasimada Online oo taageersan ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in labada Mas’uul ay isku fahmeen in la rido R/W C/Weli, ayada oo loo adeegsanaayo wax ay ugu yeereen “Tiro kordhis” lagu sameeyo codadka.

“Waxaan maqlay in la rabo in codka gacan tag laga dhigo, kadibna codad been ah lagu kordhiyo tirade” ayuu yiri xildhibaanka.

“Jawaari ayaa waxa uu Madaxweynaha ugu bishaareeyay in wixii intaani ka harsan Arrinta Khilaafka uu isaga dhameystiri doono, waxa uuna Madaxweyne Xassan u balanqaaday inuu soo gabagabeyn doono Xukuumada R/W C/weli” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xildhibaano raacsan madaxweynaha, ayaa ayaguna sheegay in arrintan tahay been abuur ay wadaan kooxda Cabdi Weli, si ay muran u geliyaan codka baarlamanka ee maanta, oo sida ay sheegeen looga adkaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News