25.3 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Muudeey oo baaq u diray Mudullood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Siyaasiga Da’yar Xasan Cabduqaadir Muudeey ayaa waxaa baaq dhiiri gelin ah u diray dhamaan Jaaliyadaha Beesha Mudulood ee ku nool daafaha Caalamka guud ahaan, kaasoo ku aadan Shirweynihii Maalintii shalay aheyd lagu qabtay Magaalada Muqdisho kaasoo looga arinsanaayey sidii loo dhisi lahaa Wadada dheer ee ka baxda Magaalada Muqdisho ilaa Hobyo.

Siyaasiga Muudeey ayaa marka hore taageero kal iyo laab ah u muujiyey dhamaan wixii ka soo baxay Shirweynahaasi, isagoo Mahadcelin gaar ahna u diray dhamaan intii ka soo shaqeysay inu qabsoomo shirweynahaasi, laga soo bilaabo Injineeradii, Culumaa’udiinkii, Ganacsatadii, Odayaashii, Siyaasiyiintii Haweenkii, iyo guud ahaanba in Allaha gacan ka geysatay.

Siyaasi Muudeey ayaa waxaa sheegay in mar hore loo baahnaa in arinkani uu suuro galo oo uu isaguba mudo ku fekersanaa sidii loo heli lahaa dhismaha Wadadaasi Halbowlaha u ah horumar ay gaaraan dadka deeganadaasi ku nool dhan, waxaase uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay maanta in la gaaray waqti ay dhamaan Bulshada deegaankaasi ka midoobeen in wax laga qabto dhibaatada mudada dheer soo jirtay ee dadka deegaankaasi heysatay.

Muudeey ayaa waxaa Baaqiisa in la taageero dhismaha wadadaasi u dirayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed oo dhan, Hey’adaha Caalamiga ah, Dowladda dhexe, Jaaliyadaha Dibadda ee ka soo jeedo deeganadaasi, iyo cid Allaha cidii gacan ka geysan kartaba, oo wax walboo la awoodo loo huro dhismaha wadadaasi sidii ay si dhaqso ah ugu suuro geli laheyd.

Wadadu waxaa ay suuro gelineeysaa in la helo Horumar deg deg ah , sida Isbitaalo waaweyn, Iskoolo wax barasho, Jaamacado, Dekado, iyo wax walboo Bini’aadamka daruuri u ah, waxaa ayna sahli doontaa in dadka ay dhibaatada ku heysato wado la’aantaasi ay heli doonaan Gurmadyada deg deg ah ee hada lala gaari karin marka ay u baahdaan.

Hadaba ugu dambeystii Siyaasi Muudeey ayaa si gaar ah baaq ugu diray dhamaan Jaaliyada Beesha Mudulood ee ilaaheey wax siiyay in gar gaarkaasi qeyb libaax ka qaataan oo ay bilaabaan hergelinta Mashruucaasi, Muhuumka u ah dadka ay heybta wadaagaan iyo ayagaba, wuxuuna sheegay in dhawaan Dalka uu degan yahay ee Sweden ay ka bilaabi doonaan dhiiri gelinta arintaasi, oo uu isagu laf ahaantiisu har iyo habeen ka shaqeyn doono taaba gelinta arintaasi

- Advertisement -

Read more

Local News