Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu loolan adag xiligaani ka dhexeeyo Xisbiga talada dalka Kenya hayo iyo Xisbiyada kale ee Mucaaradka ayaa waxaa Saakay mar qura Ciidamada ilaalada wadooyinka iyo Bulshaduba ay kusoo indha furteen Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Nairobi oo ay dhex yaacayaan Dameero la rumeysan yahay in Xisbiyada Mucaaradka Kenya kusoo buufiyeen “Tumechoka” oo micnaheedu yahay “waan daalnay”.
Eraygaani “Tumechoka” ayaa waxa uu kamid yahay Erayadii loo adeegsan jiray dibedbaxyadii looga soo horjeeday ammaan darrada dalka ka jirtay ee la qabtay bishii tegtay ee November.
Arrintaani ayaa waxa ay Amakak ku riday Ciidamada ilaalada wadooyinka iyo Bulshada ku nool Magaalada Nairobi oo garan waayay halka Dameerada farahabadan laga soo fasaxay, waxa ayna tani qeyb ka noqoneysaa Ficilada ay Mucaaradka Uhuru Kenyatta ugu muujinayaan waxqabad la’aanta Dowladiisa.
Dhanka kale, Ciidammada dowladda hoose ee Nairobi ayaa markii dambe ku guuleystay in dameeradaasi oo aad u badnaa ay wadooyinka ka leexiyaan.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

