Xariirad (Caasimada Online) – Aroos ka dhacay degmada Xariirad ee maamulka Somaliland ayaa noqday midkii ugu cajiibsanaa ee mudooyinkan dhacay, kadib markii uu Labo Haween ah habeen qura uu la aqal galay wiil dhalinyaro ah.
Faadumo Cabdullaahi Cali iyo Canab Xuseeb Cabdullaahi ayaa iyagoo farxad laga dheehanayay ay warbaahinta u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in hal habeen ay la aqal galaan Seygooda.
Tallaabadani ayaa horseedeysa in aan dadku aysan ku ku tilmaami doonin in midood aan loogu yeeri doonin Minyaro, maadaama hal habeen la aqal galeen seydooda.
Horay ayaa Somaliland waxaa ugu dhacay fal noocaan oo kale ah, iyadoo labo dumar ah ay habeen kaliya la aqal galeen ninkooda.