Garoowe (Caasimada Online) – Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah sii hayaha Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Xukuumadii dhacday ee Somalia, ayaa sheegtay inuu socdo Mooshin kadhan ah Hanti Dhawrka iyo sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Qaranka.
Khadiijo ayaa waxa ay hadalkaani sheegtay xili ay Warfidiyeenada kula hadleysay Magaalada Muqdisho, waxa ayna tilmaantay in labada Mas’uul ee ka kala arimiyo Xafiisyada Hanti Dhawrka iyo Xeer Ilaaliyaha ay yihiin kuwa ka weecday shuruucda dalka, islamarkaana adeegsaday awoodo aysan laheyn.
Waxa ay Tilmaantay in Xeer ilaaliyaha Qaranka uu sid cad ugu dhaqmay ku takri fal awoodeed, sidaa darteedna mooshin uu ka yaalo.
Sidoo kale, waxa ay Khadiijo daboolka ka qaaday in Xariga Agaasimihii Wasaaradaasi Maxamed Cumar Maxamed yahay mid salka ku hayo ku takri fal dhanka awooda ah, balse mooshinka laga geeyay Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti dhawrka uu yahay ku takri fal awoodeed waa sida ay hadalka u dhigtaye.
Dhanka kale, Haddalka Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo habeen hore xili saqdhexe ay aheyd Qaarada Africa ay Ciidamada Nabadsugida Qaranka Somalia aqalkiisa kala baxeen Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Maxamed Cumar Maxamed oo lagu eedeynaayo ku takri fal awoodeed.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]