30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“R/W cusub waxa uu marayaa waddadii Saacid & C/Weli, haddii Xasan Sheikh..”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen C/raxmaan Yuusuf oo kamid ah aqoonyahanada dalka ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud looga Baahan yahay inuu ka fiirsado Ra’isul wasaaraha uu soo magacaabi doono maadama ay horay isku khilaafeen Shirdoon iyo C/weli Sheekh.

Aqoonyahanka ayaa hoosta ka xariiqay in dalka uu ku jiro marxalad adag loona baahanyahay in laga fiirsado Mas’uulka cusub ee lagu wado in Dhawaan lasoo magacaabo.

Xuseen C/raxmaan oo ka hadlay arrinkaani ayaa waxa uu yiri “Muddo kooban ayee Dowlada madaxweyne xasan ku mareysaa Laba Ra’isulwasaare dabcan taasi waa mid aan ku jirin Caafimaad Ummada soomaaliyeed oo hada kasii gudbeyso marxaladihii uu dalka ku jiray ku dhawaad 24sano, sida muuqato hadii uu kan Cusub noqon waayo Ra’isulwasaare daacad ah waxa uu mari doonaa wadadii ay mareen Shirdoon iyo C/weli Sheekh sidaa darteed xasan waa inuu ka fiirsadaa”

Haddalka Aqoonyahaanka ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo uu Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Cusmaan Jawaari uu Madaxweynaha u qabtay in muddo kooban uu kusoo magacaabo Xukuumad tayo leh, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu Xassan ku dhawaaqi doono Ra’isul wasaaraha Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News