Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin cusub, ayaa kasoo baxaysa dagaal ciidamada Ahlu-Sunna iyo wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda Mahad Salaad iyo Gen. Goobaale ku dhex maray degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud.
Ilaa 10 qof oo 7 kamid ah ay yihiin ciidamada labada dhinac ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay magaalada, iyadoona saddexda kale ay yihiin dad shacab ah oo rasaastu ay guryahooda ugu tagtay.
Weli waxaa socda uruurinta xogta dagaalka, waxaana laga yaabaa in khasaaraha intaas ka badan yahay, oo ayna dhimasho jiri karto.
Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye Cirfo ayaa sheegay in ciidamada Ahlu-Sunna ay weerarka ku qaadeen wafdiga dowladda ka socda, islamarkaana ay ka amar qaataan Macalin Maxamuud iyo Al-Ashcari oo ka tirsan saraakiisha Ahlu-Sunna.
Cirfo ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ahlu-Sunna ka amar qaata ay la wareegeen xaruntii degmada Gurceel oo hada ay gacanta ku hayaan.
Dhanka kale sarkaal u hadlay Ahlu-Sunna ayaa beeniyay in dagaalka ay qaadeen dhankooda, waxaana uu ku dooday in iyaga la soo weeraray.
Halkan ka dhageyso wareysiga Cirfo
Caasimada Online
Xafiiska Guriceel
[email protected]

