27 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Ciidamada dowlada oo gudaha u galay Guriceel & Ciidamadii Ahlu sunna oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ee saaka kasoo dhaqaaqay degmada Dhuusomareeb ay gudaha u galeen degmadaasi.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa saaka kasoo dhaaqay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxayna maanta duhurkii gudaha u galeen degmada Guriceel ee gobolkaasi.

Saraakiishii iyo masuuliyiintii Ahlu sunna ayaa la sheegay inay isaga baxeen degmada Guriceel, waxaana ciidamada dowlada ay la wareegeen iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin.

Qaar kamid ah dadkii magaalada degenaa ayaa la sheegayaa iney isaga qaxeen magaalada iyagoo ka baqaya waxyeelo kasoo gaarta dagaalo laga baqayay inay magaalada ka dhacaan.

Ciidamadii Ahlu sunna ee ka tagay degmada Guriceel ayaa la sheegay inay gaareen deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Waxaa hadda degmada Guriceel ka socda kulamo kala duwan oo looga arinsanayo waan waan nabaded oo ay kala qaateen dhinacyada ku dagaalamay dhawaan gobolkaasi.

Waxay labada dhinac maalin ka hor kala saxiixdeen hishiis xabad joojin seddex maalin ah, iyadoo waxgaradka iyo culumada ay wadeen dadaalo xiisada lagu joojinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News