Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal”, ayaa ka hadlay eedeymo maalmahaan loo jeediyay oo ku aadanaa inuu qeyb ka ahaa dagaaladii dhawaan ka dhacay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Caddi Waal, wuxuu sheegay inuusan ka qeyb qaadan marnaba dagaalada ka dhacaya gobolka Galgaduud, oo uu san wax shaqo ah ku laheyn, sida uu hadalka u dhigay Cabdi Nuure Siyaad.
Wuxuu sheegay in dadka dagaalamaya ay yihiin Ahlu sunna iyo ciidamada dowlada Soomaaliya, isagana wax ciidan ah uusan u joogin deegaanada lagu dagaalamayo.
“aniga dagaalka ciidanba meesha kuma lihi, aniga wax shaqo ah kuma lihi, waxaan joogaa degmada Guriceel, waxa dagaalamaya waa Ahlu sunna iyo ciidanka dowlada, mana doonayo inaan dagaalamo”.
Dhanka kale Cabdi Waal ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamada Ahlu sunna ay ku kala jabeen dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Dhuusomareeb, wuxuuna sheegay in wali ay mideysan yihiin.
“Aniga halkaan siyaasad umaan imaan, niman Ahlu sunna iyagaa is difaacaya, kuwaan kalana iyagaa weerarka soo qaaday, Ahlu sunnana kalama jabin oo waa wax kama jiraan, dhibaato hor leh iyo barakac horleh ayay dowlada horseeday”ayuu yiri C/waal.
Maalintii shalay ciidamada Ahlu sunna ayaa lagala wareegay gacan ku heynta degmada Guriceel, kadib markii ay isaga baxeen waxaana halkaasi tagay ciidamada dowlada oo ka dhaqaaqay degmada Dhuusomareeb.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

