Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in xiligaani uu kulan ka socdo Hoteelka uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Ra’isulwasaaraha Cusub ee dhawaan la filaayo in la magacaabo.
Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa uu hadda degan yahay Hoteelka Peace ee Magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ku sugan Mas’uuliyiin heer Qaran oo isugu jiro Wasiiro hore iyo Xildhibaano ka tirsan BF kuwaasi oo Cumar Cabdi Rashiid uga warbixinaayo qaabka ay DF Somalia u wado xil magacaabista iyo kaalimaha uga aadan gudashada xilkaasi.
Sidoo kale, kulanka oo ah mid si isdabajoog u socda, ayaa waxaa la soo warinayaa in gabi ahaan la adkeeyay Ammaanka Hoteelka iyo wadooyinka gala, inkastoo aysan jirin warar laga helaayo kulamadaasi markii laga reebo usoo bandhigida xilkaasi Cumar Cabdirashiid.
Waxaa soo baxaya wararka ku aadan in saacadaha soo socda Ra’iisul Wasaare loo magacaabo Cumar, inkastoo suuragal ay tahay in wax waliba ay isbedelaan.
Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ilaa caawa Cumar Cabdirashiid loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda Cumar Cabdirashiid la geyn doono Madaxtooyada Somalia, halkaasi oo uu kulan gaar ah kula qaadan doono Madaxweynaha dalka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

