Muqdisho (Caasimada Online)- Sii hayaha xilka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Saciid Jaamac Qoorsheel oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay arimo ku saabsan hawada dalka Soomaaliya.
Wasiir Qoorsheel, oo kasoo laabtay dalka Canada ayaa sheegay inay lasoo wareegeen maamulka hawada dalka Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Qoorsheel, wuxuu sheegay in maamulka hawada Soomaaliya la keenay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu sheegay inay heysato shaqaalo la’aan.
Shaqaalaha ka shaqeynayo waaxdaasi ayuu sheegay inay tababar siin doonaan si hawada Soomaaliya aysan markale kaga bixin gacanta dadka Soomaaliyeed.
Bilowgii bishaan ayuu sheegay in si rasmi ah ay ula soo wareegeen gacan ku heynta maamulka hawada Soomaaliya, wuxuuna dhanka kale sheegay inaysan heynin qalabkii lagu shaqeyn lahaa.
Wasiir Saciid Jaamac, wuxuu ugu dambeyn sheegay in hadda kadib hawada Soomaaliya laga maamuli doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna dalbaday in gacan weyn laga geysto tababarka shaqaalaha ka shaqeynayo hawada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

