30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sharma’arke oo aan weli soo dhaafin 3 mas’uul iyo 2 arrin oo lagala hadlay !!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Aqalka dalka looga arrimiyo, ayaa xaqiijinaaya in R/W Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu xalay ilaa iyo Saakay kulamo aan dhamaad laheyn la qaadanaayay Mas’uuliyiin ay kamid ahaayen Faarax C/qaadir, C/llahi Sambaloolshe iyo C/kariin Guulleed.

Kulamada ay Seddexdaasi Mas’uul la qaaten R/W Cumar C/rashiid ayaa la sheegayaa inuu yahay mid kasoo baxay Madaxweyne Xassan Sheekh, iyadoona la sheegay in Ujeedka kulamadaasi uu ahaa mid ku saleysan Baraarujinta iyo ka dhaadhacsiinta qaabka uu u hogaamin lahaa dalka.

Waxaa jira warar sheegaya in R/W Cumar ay Mas’uuliyiintaasi si gaar ah ugala hadlayeen Laba qodob oo kala ah dhismaha Xukuumada Cusub iyo u hogaansamida amarada kasoo baxa Xafiiska Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, kulanka ayaa la sheegayaaa inuu ahaa mid gaar ah islamarkaana uu Madaxweynaha Seddexdaasi Mas’uul u xilsaartay si Ra’isulwasaare Cumar uu uga fogaado wax waliba oo keeni kara kala irdhoobida isaga iyo Madaxweyne Xassan.

Dhanka kale, R/W Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuusan dhici doonin Khilaaf soo kala dhex gala isaga iyo Madaxweynaha, hayeeshee hadalkaasi uu yahay mid inta badan ay Ra’isulwasaarayaasha dalka soo mara balanqaadan, hadana uu dhaco Khilaafka.

Damu-Jadiid ayaa aad uga cabsi qaba in Khilaaf uu ka dhex dhasho Madaxweynaha iyo R/W Cumar Cabdirashiid, maadama Madaxweyne Xassan ay tani u noqoneyso fursadii ugu dambeysay, isagoona muranka xiga uu ku weyn doono Xilkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News