Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islan ”Axmed Madoobe” uu muddo kooban u qabtay Xubnaha Maamulkiisa ka tirsan ee ku kala sugan dalka iyo dibadiisa.
Axmed Madoobe, ayaa waxa uu dhamaan masuuliyiinta Maamulka KMG jubbaland ugu baaqay inay si deg deg ah kusoo gaaran Magaalada Kismaayo,kadib markii la sheegay in Maamulka lagu soo oogay dambiyo kala duwan kuna saleysan Xadgudubyo salka ku haayo Siyaasada DF Somalia, Maamulka Jubba.
Baaqa ayaa la sheegayaa inuu si gaar ah u Khuseeyo Masuuliyiin tiradooda gaareyso 30 waxaana hadda bilowday in Mas’uuliyiintaasi qaarkood ay soo gaaren Kismaayo.
Dhanka kale, Siyaasiyiinta Mamaulka ka tirsan ayaa iyaguna dhankooda is weydiinaya Sababaha loogu yeeray waxa ayna arrintaani daba soctaa kadib markii Madaxweyne Xassan Sheekh uu Booqasho aan lasii shaacin halkaasi ku gaaray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]