32.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray KISMAAYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo waxaa caga dhigatay diyaaradii siday Madaxweynaha, waxaana halkaasi kusoo dhaweynaya mas’uuliyiinta maamulka KMG ee Jubba.

Diyaaradii siday Madaxweynaha inta aanay Kismaayo gaarin, waxaa halkaasi uga sii hormaray ciidamo gaar ah oo amaanka suga, wasiiro uu ka mid yahay Xuseen Cabdi Xalane oo ah sii hayaha wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Safarka Madaxweynaha ma aanu ahayn mid horay loo sii shaaciyay, balse waxa uu daqiiqada soo aadan uu saxaafadda uga warbixin doonaa uljeedka uu Kismaayo u gaaray.

Inta uu halkaasi joogo waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda maamulka KMG ee Jubba, saraakiisha AMISOM ee halkaasi jooga iyo mas’uuliyiin kale.

Safarkaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay Magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kiisa Sedaxaad Tan iyo Markii xilka Madaxweyne loo doortay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News