Kooxda ama xisbigaan la dhaho damul jadiid waa koox isku xiran aqoonyahano iyo ganacsato iyo culumo diin iyo urur haweenba ka dhisan mana ahan inta kaliya ee aad ka aragno shaashada balse waa group gaaraya 100 qof oo isku xiran kana kala soo jeeda dhamaan gobolada soomaalida ay degto ama qabaa,ilada dalka ka kooban yihiin sadexdii jeer ee ay is daba mareen sadex ra,iisal wasaare waxaa xilal ka soo qabtey 49 ka mid ah 100 ka an ku sheegay waxaana harey 51 ka mid ah intaas oo hada ay noqon doonaan wasiiro iyo wasiiro kuxigeeno iyo wasiiro dowlayaal iyo agaasimayaal guud waxayna rabaan in baritoole intaas oo xilal iyo xildhibaano soo qabtey in mar labaad 2016 dib ay usoo noqdaan maadaama soomaalida ay ciseeyaan hebel mar buu madax ahaa ama waa aqoon yahan ama waan ganacsade waxayna ka farsamo badan yihiin kooxihii ama group yadii ka horeeyey ee siyaasada ku fashilmay oo horey dalka usoo qabtey marka waa adag tahay in laga adkaado waxayna wadanka haysan doonaan mudo 20 sano oo soo socota sida lagu qiyaasayo.
Waxaa jira xulufaysi siyaasadeed oo ayagana is xoojinaya oo ay kala kulmayaan maamul goboleedada hada dhisan oo uu hormuud u yahay madaxwaynaha koonfur galbeed Shariif xasan shikh aadan oo hada booqasho ku jooga kismaayo lagana yaabo in uu tago garoowe balse hortiis madaxwaynaha puntland uu tagi doono kismaayo oo halkaas laga damacsan yahay sadexda maamul ee koonfur galbeed iyo puntland iyo jubaland in si faderalism ah iskugu xirmaan dhinaca politicaalka iyo dhinaca ganacsiga waxaana han madaxwayne raba shariif xasan shiikh aadan in u tartamo kooxdaas hadii uu kusoo baxana uu siiyo ra,iisal wasaare saaxibadiisa kale ee kala hogaamiya puntland iyo jubaland waxayna hada wadaan dhaq dhaqaaq siyaasadeed balse kooxdaana kama liitaan oo waxaa laga yaabaa sanad ka dib in ahmed madoobe laga takhaluso maadaama uu waqtigiisi gabaabsi yahey oo xalane uu noqdo madaxwaynaha jubaland ee so socda meesha waxaa ka socota ciyaar siyaasadeed oo ku hoos jirta hiigsiga 2016 iyo jaanisyada oo la isla gaadayo waa daraasaad aan si dhab ah u baarey waana kooxda jabin karta.
Maxaa yeelay sadexdaas maamul hadii baarlamaanka imaan doona ay gacanta ku dhigaan in ay ayagu soo xushaan raga xagooda ka imaanaya Waxaa la filayaa koonfur galbeed waxaa ka imaanaya 60 xildhibaan oo digil iyo mirifle ah 17 xildhibaan oo iskugu jira dir iyo jareer iyo hawiye iyo reer baraawe iyo reer markood isku darkoodana waa 77 xildhibaan oo uu hogaamin doono ruug cadaa shariif xasan shiikh aadan oo maamulkiisa goboladooda ka imaan doona.
Sidoo kale jubaland waxaa ka imaan doonta 8 xildhibaan oo absame ah 2 xildhibaan oo shikhaal ah 2 xildhibaan oo jareer ah 1 xildhibaan oo gaaljacel ah 5 xildhibaan oo mareexaan ah iyo 1 xildhibaan oo awrtable ah iyo 1 xildhibaan oo liiban gishe ama liibaan harti hadba kaad u taqaano ah isku darkoodana waa 20 xildhibaan oo dhinaca ahmed madoobe ka imaan doonta.
Dhinaca puntland waxaa ka imaan doona 18 xildhibaan oo majeerteen ah 4 xildhibaan o laylkase ah 9 xildhibaan oo dhulbahante ah balse 5 ayey ka heli doonaan reer puntland xildhibaanada dhulbahante sido kale 5 xildhibaan oo warsangali ah 1 xildhibaan carab saalax ah iyo 3 xildhibaan oo dashiishe ah ayaguna kuwa abdiwali hogaamin doono ayaa ah 45.
Hadii la isku darana waa 77 koonfur galbeed + 20 jubaland+45 Puntland =142 xildhibaan waa hadey helaan intoodaba fursad ay ku maamulaan xildhibaanada deegaankooda ka imaanaya oo cod one man one vote ama qaab qabiil loo qeebsado waxay noqon doonaan super power jabiya damul jadiid balse ayaguna damul jadiid kama yareestaan ee waxay rabaan sanad ka dib ahmed madoobe booskiisa in uu xalane ku fariisto marka sheekadu waxa weyaan rag is guraaye.
Laakiin ahmed madoobe ma ahan nin siyaasad fog oo hiigsi madaxtinimo soomaaliya ah raba waxuu hankiisa ku kooban yahay madaxtinimadiisa jubaland waana ninka la rabo sanadka 2015 ama 2016 dhexdeeda in laga takhaluso waa qaabka ay ciyaarayaan damul jadiid oo ay rabaan xalane in ay geeyaan waxaana xaga ugaadeenka iyo reerka uu ka dhashay ahmed madoobe kaga shacbiyad badnaadey xalane maxaa yeelay ahmed madoobe hartigii iyo mareexaankii iyo shiikhaashii iyo hawiyihii degana iyo jareertii iyo jiidlihii iyo qabaa,iladii ku heeraarsanaa way naceen oo xoog ayu ku maquuniyey waxayna taasi sahlaysaa in u dagaal galo uu xukunkiisa ku ilaashado ama uu damuljadiid dantiisu ku jirto in uu ku biiro si uu badbaado maxaa yeelay han fog ma lahan ninkaas wax walibana waa laga filan karaa dhinaca kalena markii loo eego abdiwali gaas han wayn buu ka qabaa balse ma uu rabo doorasho madaxwayne in uu galo maadaama uu horey ugu so khasaarey kharash badana uga baxeen umana diyaar aha in uu ku lug go,o xamar oo madaxa ayuu ciida ka ceshanayaa si uusan u niyad jabin hadii uu ku guuldaraystana waxaa macquul ah in puntland mucaarado uga kacaan ayagoo ku eedaynaya in uu puntland u ku gaarayey jaranjaro dantiisa gaar ah oo kursiga villa somalia.
Marka waxuu hankiisa hoos ugu dhigayaa in uu shariif xasan shiikh uu heshiiskiisa aqbalo si uu helo kursi ra,iisal wasaare oo aan tartan loo galeen balse ninkaas hadii u helo u magacaabayo uun isagoo meeshisa jooga ka dibna isagoo xil haya uu uga gudbayo hankiisa villa somalia waa sida uu damacsan yahey abdi wali ee balse ninka la dhaho shariif xasan shiikh ayaa waxu ciyaaraya dagaal siyaasadeed oo farsamo iyo caqliyeen iyo lacag iyo kaarto iyo gogol xaar iyo is miskiineen iyo reer magaalnimo ku dheehantahay sir siyaasadeed in uu ku gaaro kursiga sare ee somalia laga xukumo waxuuna kalsooni ka haystaa reer kiisa digil iyo mirifle oo uu rabo in u ka saaro hanka ay u tartamaan oo kaliya kursiga gudoomiyaha barlamaanka si uu wado cusub iyo baal cusub uu furo digil iyo mirifle wayna ku taageersan yihiin waxuuna xalkii la so aadey oo ugu suurto galaysaa maamulada daaroodka ee jira sida puntland iyo jubaland laakiin dhinaca hawiye kama helayo jixin jix maxaa yeelay waxay rabaan in ay ayagu noqdaan maadama ay awoodii caasimada ay haystaan marka hooshu sidaas bay u socotaa xogta si fiican u dhuux ciyaartuna sanadka cusub ayaan la jaan qaadi doonaa hadii uu eebe idmo.
Laakiin ciyaarta siyaasada waxay is badali kartaa bil ama sanad gudahood waxayna u dhici kartaa dhinac kale maadaama siyaasada soomaaliya ay reer galbeed gacanta ku hayaan oo madaxwaynaha la rabo sidii horey loogu yaqaaneyba uu horey ugu sii calaamadaysan yahey maadama ay dhaqaalaha soomaaliya ku baxa ay ayagu bixiyaan 95% mid maamul goboleed iyo mid dowlada dhaxeba oo ay noqon karto mid ka madax banaan gacmo gacmeenta siyaasiyiinta iyo aqoon yahanada dalka soomaliya.
Qoraa: Deeq Cali Hayaan oo ku nool Norway
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

