24.8 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Dhageyso: Labada Shabeelle annagaa maamulna mana jirto cid sheegan karta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta maamulka Shabelle State ayaa sheegay in iyagu ay ka taliyaan gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, islamarkaana aanay jirin maamul kale oo halkaasi ka arimiya.

Muxuyadiin Xasan Afrax oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa isaga oo u waramay idaacadda Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in maamulkooda uu yahay midka saxda ah ee gobaladaasi, islamarkaana maamulka Koonfur Galbeed aanu shaqo ku lahayn gobalka Shabeelaha Hoose.

Mar wax laga weydiiyay in dowladda ay aqoonsi ka heleen ayuu sheegay in weli aysan helin wax aqoonsi ah, balse iyagu ka maamul ahaan ay dowladda Federaalka ka rajeynayaan arintaasi.

“Dowladda anaga in aan jirno wey ogtahay, in ay na aqoonsato ama ay na’iska keen diido iyada ayeey ku xirantahay, laakiin anaga waan aqoonsannahay, qofka aan wax nagu darsan anagane waxba kuma darsaneyno” Muxudiin Xasan Afrax aaa sidaasi sheegay.

Dhanka kale Waxa uu sheegay Muxuyadiin Xasan Afrax in hadii wada hadal uu yimaado ay diyaar u yihiin cid walba in ay la galaan, balse aysan socon doonin sida uu sheegay in gobal ay maamulaan qasab lagu soo galo.

Maamulka Shabelle State ayaa sheegta in uu maamulo gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, halka Maamulka Koonfur Galbeed gobalada uu maamulo ka mid tahay Shabeelaha Hoose.

Halkaan Hoose ka dhageyso Muxuyadiin Xasan Afrax

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News