24.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Ciidamada Col. Barre Hiiraale & Axmed Madoobe oo is farasaaray (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal Khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose kaasi oo u dhexeeyay Maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Col Barre Hiiraale.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan islamarkaana leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Sabca Casharaad oo dhaca duleedka Magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay kadib markii Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay weerar qorsheysan ku qaaden goob fariisimo u aheyd Maleeshiyaadka ka amarqaata Col Barre Hiiraale sidaasina dagaalka uu ku qarxay.

Dagaalka ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay Sarkaal ka tirsan garabka Col Barre Hiiraale oo lagu magacaabo Xasan Dheere, waxa uuna sheegay in dagaalka ay bilaabeen Maleeshiyaad taabacsanaa Axmed Madoobe waxa uuna Sargaalkaasi intaa hadalkiisa ku daray inay iska caabiyeen islamarkaana ay ka dileen tiro Askar.

Sidoo kale Xasan Dheere waxa uu Tilmaamay in maalmahaani dambe ay jireen daandaansi lagu hayay, balse ay iyaguba difaac adag ku jireen, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in labo kamid ah ciidamada Axmed Madoobe inay halkaasi ku dileen, isaga oo intaasi warkiisa ku daray in ciidamadooda qaar kamid ah halkaasi ay ku dhaawacmeen, balse aysan jirin khasaaro dhimasho ah oo soo gaaray.

Dhanka kale, Dagaalkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor uu Hogaamiyaha Kismaayo Axmed Madoobe amar ku bixiyay in hub ka dhigis lagu sameeyo Ciidamada taabacsan Barre Hiiraale ee ku sugan Xarumaha Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News