Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Xafiiska Danjiraha Midowga Africa ”AMISOM” ee Somalia Mamadu Siduku ayaa waxaa looga hadlay warar been abuur oo ku saleysnaa in Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Xumad shaqada looga eryay warbixintii uu siiyay Idaacadaha Magaalada Muqdisho ee ku saabsanaa weerarkii lagu qaaday Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Mamadu Siduku ayaa waxa uu sheegay in sababta xilka looga qaaday Col. Cali Xumud ay aheyd mid Xilkiisa ku ekaa Dhamaadka Sanadkii tagay ee 2014-ka, xiligaana uu yahay kaliya xubin ka tirsan Ciidamada AMISOM.
Col. Cali Xumud, ayaa waxa uu warbaahinta ka shaaciyay inuu yahay Afhayeenka AMISOM, islamarkaana uusan amar xilkaasi looga qaaday weli ka helin Hogaanka ugu sareeya Midowga Africa.
Dhanka kale, Cali Aadan Xumud ayaa Xilka Afhayeenimo ee AMISOM waxaa loo magacaabay sanadkii 2012, iyadoona Taliska AMISOM ay shaaciyeen in Xilkaasi laga qaaday, inkastoo Xaamud uu sheegay in aan lagu wargalin Xilka qaadistiisa lagu sameeyay, sidaa darteedna uu xilka hayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]