28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Kenya oo faragalin adag ku heysa dhismaha wasiirada cusub ee Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan BF Somalia, ayaa sheegay in Dowlada Kenya ay caqabad ku tahay dhismaha Golaha wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqi lahaa Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Xildhibaanka oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa waxa uu sheegay in Kenya uu xiriir fog kala dhexeeyo Ra’isul wasaaraha dalka, islamarkaana ay dadaalo adag ugu jirto helista xubno iyada u jilicsan oo ka mid noqda golaha wasiirada cusub.

Waxa uu xildhibaankaani tilmaamay in Khilaafka Xasan iyo Cumar Cabdirashiid uu qeyb ka yahay faragalinta Kenya ay ku heyso Dhismaha golaha wasiirada cusub, ayna iska horkeeneyso madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa cusub.

Waxa uu daboolka ka qaaday in Somalia aysan xiligaani heli doonin xoriyad buuxda, ilaa wax laga qabto fulinta danaha dowladaha dariska la ah Somalia, sida Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Xasan iyo Cumar Cabdirashiid ayaa xiligaani ku kala aragti duwan qaabka lagu soo xuli lahaa Wasiirada, iyadoona Khilaafka ugu weyn uu yahay mid salka ku hayo qaabka labada mas’uul ay u kala qaadan lahaayen Xubnaha xukuumada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News