28.2 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Sawirro: Beesha SADE oo u carreysan DFS kuna dhowaaqday go’aanno adag

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir maalmahaanba Magalaada Muqdisho uga soconaayay Beesha Mareexaan/Sade, ayaa waxay maanta ka soo saareen bayaan, ku wajahn Dowladda Federalka Somaliya iyo Caalamkaba.

Ku:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ku: Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Jam. Federaalka Soomaaliya

Ku: Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ku: Wakiilka Midowga Afrika

Ku: Wakiilka Urur-Goboleedka IGAD

Ku: Dhammaan Waddammada Daneeya Arrimaha Soomaaliya

Ku: Dhammaan Bahda Saxaafadda

Og. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka

War Saxaafadeed

Shir maalmahaan uga socday magaalada Muqdisho Siyaasiyiin, Xildhibaano, Odayaal Dhaqameed, waxgarad kasoo jeeda beesha Sade, waxaa looga dooday:

Arimaha xasuuqa, dilka, dhaca, barakicinta iyo tacadiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ay kismaayo ka wado kooxda raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe

Sida ay dowlada federaalka iyo Beesha Caalamku ay isaga indhotirayaan, una siinayaan taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, xasuuqa iyo tacadiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ay waddo kooxda raskamboni

Caddaalad darada dhanka awood qaybsiga iyo qayraadka dalka ee dowlada federaalka,gaar ahaan Madaxweynaha uu ku hayo dadka dega gobollada Jubba

Arimaha maamul usameynta gobolada dhexe mudug iyo galgadud

Sidii aragti mideysan looga yeelan lahaa, loogana hortagi lahaa shirqoolada siyaasadeed ee ahmed madoobe iyo shariif xasan ay ku doonayaan inay ku sameystaan isbahaysi siyaasadeed oo ay kula dagaalamaan cidkasta oo ku qanci waydo afduubka ay ku hogaaminayaan dadka degan lixda gobol ee k/galbeed

Mushkulidda uu xafiiska IGAD u qaabilsan fududeynta nabadeynta soomaaliya, gaar ahaan Danjire Afeey iyo Gabre ay ku hayaan dib u heshiisiinta iyo nabad-ku-wada noolaashada shacbiga Soomaaliyeed ee wada degga Gobollada Jubba.

Sidaas darteed, waxaa Shirku goaamiyey, soona jeedinayaa In kooxda uu hogaamiyo Ahmed madoobe ay magaalada kismaayo ka wadaan xasuuq aad u foolxun oo isugu jira Dil, dhac,kufsi, barakicin, xarig sharci daro ah iyo afduub falalkaas oo ah tacadiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha.

Waxaa shirku xaqiijiyey in mudadii Maamulka Ahmed madoobe iyo ciidamada kenya Maamulayeen magaalada kismaayo lagu dilay Boqolaal qof oo (birmageydo ah) oo isugu jira odayaal dhaqameed can ah, Aqoonyahanno, haween iyo caruur aan wax dambi ah galin intooda badana kasoo jeeda beesha Sade.

Waxa la xaqiijiyey in toddobaadyadii ugu dambeeyey kooxda raaskoobooni ay magaalada kismaayo ku dileen dad tiradoodu dhan tahay labaatan qof(20), kuwas oo ay ka mid ahayeen haween uur leh iyo dad odayaal waayeel ah oo markii si damiir xumo ah loo dilay, maydadkoodiina Badda lagu tuuray

Shirku isagoo dhawraya, mudnaantana siinaya nabad kuwada noolashaha guud ahan umadda soomaaliyeed, gaar ahaan dadka degaanada Gobollada Jubba, wuxu soo jeedinayaa in si wada jir ah looga hortago fal kasta oo dadka deegaanadaas u horseedi kara colaad sokeeye.

Shirku waxuu ka xun yahay, aadna u cambaareynayaa falalaka xasuuqa foosha xun, dhaca, boobka, kufsiga, afduubka, barakicinta shacabka iyo dhammaan tacadiyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka ee ay kooxda Ahmed Madoobe kawado kismaayo kuwaaso loo geysta guud ahaan shacabka kismaayo, gaar ahaan beesha sade.

Shirka waxaa u caddaatay, uuna ku qancay,shacbiga soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkana u soo bandhigayaa:

In Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Ergeyga xoghayaha guud iyo IGAD ay siwadajir ah indhaha ugu laabteen xasuuqa foosha xun iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee socda kismaayo, iyagoo ku raali galinaya kooxda Raaskamboni.

Waxaa shirka si buuxda ugu muuqatay in madaxweynaha jam.federaalka Md. Xasan Sheekh maxamuud uu lid ku yahay xal u helida arimaha murugsan ee deeganada jubba; isaga oo si cad ugu leexday mas’uuliyadiisii hoggaamiyenimo, si buuxdana u mijo xaabiyey dhammaan dadaaladii dib u     heshiisineed ee deegaanada jubba ee ugu dambeysay dib u heshiisintii la qorsheeyey bishii oct. 2014

Waxaa shirku u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, in Danjire Afeey iyo Gabre laga dhexsaaro Arimaha IGAD ee ku wajahan Soomaaliya, madaama aysan dhexdhaxaad ka ahayn.

Waxaa Shirku walaac xoog leh ka muujiyey arimaha awood qaybsiga Dowlada Federaalka ah, gaar ahaan dhismaha Xukuumadda cusub; taas oo aysan Beesha ku qancin, qaadanna waxa magac u yaalka ah ee la siiyey.

sad1sad2sad3sad4sad5sad6

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News