28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Shariif Xasan oo loo diray xildhibaano ka gadooday madaxweyne XASAN SH.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isu taagay inuu waanwaan ka dhex bilaabo xildhibaano la safnaa madaxweyne Xasan Sheekh oo ka gadooday dhismaha xukuumada cusub ee Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa shalay tegay Hotelka Naasahablood 1 ee magaalada Muqdisho oo kulan uga socday xildhibaanno ku dhow Kontomeeyo oo ahaa kuwii taageeray mooshinkii lagu riday xukuumadii C/weli, wuxuuna wadahadal la yeeshay Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Shariif Xasan oo lug weyn ku leh xukuumdada cusub ayaa dadaal ugu jira inuu yareeyo mucaaradnimada sii baaheysa ee laga hor keenay xukuumada cusub, waxaase la sheegay inay ku gacan seyreen xildhibaannadii shalay ku shiray Hotelkaasi oo guddoomiye u doortay C/laahi Goodax Barre oo ah sii-haya wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Xildhibaanadan ayaa shalay ku dhawaaqay inay sameysteen isbaheysi cusub oo ay u bixiyeen “TOOSINT TALADA QARAN” oo ah kutlad hor leh oo ku soo biiray isjiidjiidka siyaasadeed ee Muqdisho ka taagan.

Isha: Goobjooge, Muqdisho

- Advertisement -

Read more

Local News