28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Kulamo xasaasi ah oo Villa Somalia ka socda iyo hujuumka BF oo sii kordhay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka iyo Siyaasiyiinta garabkiisa ah ay Madaxtooyada kawadaan qorsho culus oo ay uga jawaabayaan Abaabulka Xildhibaanada ay uga soo horjeedan Xukuumada Cusub.

Qorshahaani lagu dajinaayo Villa Somalia, ayaa waxa ay madaxda Qaranka ku doonayaan inay ku qafiifiyaan culeyska Siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka Xildhibaanada boqolka ka badan, ee waxba kama jiraanka ka soo qaaday Wasiirada faraha badan, ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Sidoo kale, Wararka waxay intaa ku darayaan in Madaxweynaha iyo garabkiisa ay doonayaan inay kasbadaan taageerada Xildhibaanada BF, ka hor inta aan la gaarin maalinta Sabtida, oo lagu wado in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan Qaar kamid ah Wasiirada cusub ayaa waxa ay kulan hordhac ah iminka la qaateen tiro xildhibaano ka tirsan Dam-Jadiid kuwaasi oo loogu talo galay inay kala dhig-dhigaan Xildhibaanada isku xiran walow Madaxweyne Xassan iyo Cumar Cabdirashiid ay niyad jab ka muujiyeen qaabka loo kala jabin lahaa Xildhibaanada isku xiran.

Lama Oga natiijada kasoo bixi doonta kulamada is xigxiga ee ka soconaaya Xarunta Madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News