28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

WAFDI ka socda Mareykanka oo farriin adag oo gaarsiiyay Xasan iyo R/W CCC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo socdaal ku yimid Muqdisho shalay ayaa kulamo kala gaara kula yeeshay Garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudi yo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali.

Kulamadaas oo aan wax faahfaahin ah laga bixin ayaa warark waxay sheegayaan in lagala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka dhashay xukumadda cusub ee dhowaan la dhisay.

Mareykanka oo horeba si weyn u diidanaa ridistii xukuumadii C/weli Sheekh Axmed ayaa haddana hogaaminaya dadaal ah in laga baaqsado is qabsi siyaasadeed oo hor leh.

Farriinta adag ee Mareykanka oo lasoo gaarsiiyay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inay tahay mid ku saabsan xukuumada muranku ka taagan yahay ee Cumar C/rashiid, waxayna wafdiga Mareykanka u jeediyeen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha inay ka waantoobaan wasiirada hormuudka u noqday qaska siyaasadeed labadii sano ee la soo dhaafay in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Waxay labada mas’uul ka dalbadeen inaysan beesha caalamku aqbali karin muran iyo isqabsi kale oo dowladda dhexdeeda ku yimaada.

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News