28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

XOG: Natiijadii socdaalkii Erdogan iyo mashaariicda cusub ee MUQDISHO!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Socdaalkii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan iyo wafdigiisii ku yimaadeen Muqdisho 25 Janaayo 2015 ayaa si guul ah ku soo dhamaaday, waxaana socdaalkaasi taariikhda galay uu ahaa kii labaad ee Ordogan ku yimaado Muqdisho.

Madaxda Soomaaliya oo aan u kala harin ayaa soo dhoweeyay wafdiga madaxweynaha Turkiga, waxaana si weyn loo adkeeyay dhinaca ammaanka. Ka sokow mashaariicda uu furay madaxweynaha Turkiga ee dhamaatay, waxaa uu bixiyay balanqaadyo kale oo horumarin ah, kuwaasoo muddo laba sanadood gudahood lagu fulinayo, balanqaayada Ordogan waxaa lagu bartay inay fulaan.

xar4

Waxaan soo koobeynaa nuxurka booqadshadii halka maalin ahayd ee madaxweynaha Turkiga ku yimid Muqdisho:

MASHAARIIC HORE

Waaa la furay mashaariic soo gabagaboobay, howlgalna noqday oo kala ah:

= Terminalka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

= Ibsitaalka Recep Dayeb Ordogan (ex. Digfeer)

= Dayactirka Masjidka Isbaheysiga Islaamka

xar2

Waxaa kaloo socda dhismaha Safaarada cusub ee Turkiga oo sida Ordogan sheegay noqon doonta mid ka mida kuwa ugu weyn ee Afrika ku yaala, tani waxay muujineysaa in dan weyn ka leeyahay Turkigu dalka Soomaaliya. isagoo weliba dhaliilay safaaradaha magac u yaalka ah ee Konteerada laga dhigay garoonka dhexdiisa.

MASHAARIICDA CUSUB

Dowladaha Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiisyo saddex ah oo kala ah:

= Heshiis tababar ciidan

= Heshiis wax soo saar iyo dhoofin

= Heshiiska Ganacsi iyo warshado

Er2

Inkastoo heshiisyadan aan wax badan laga ogeyn waxaa la sugi doonaa in Baarlamaanka la keeno xukuumadda cusubna lala wadaago.

Madaxweynaha Turkiga wuxuu balan qaaday mashaariicda soo socota in muddo laba sano gudahood ah ay ku fulin doonaan:

= Dhismaha 10,000 guri oo casri ah lana dejin doono dadka saboolka ah

= Mid ka mida Safaaradaha ugu weyn ee qaarada Afrika

Guud ahaan socdaalkii madaxweyne Ordogon wuxuu ku ahaa mid guuleed oo natiijo la taaban karo ku qotomay, rajo mustaqbal horumarineedna u wada umadda Soomaaliyeed inkastoo uu Muqdisho ku kooban yahay ilaa hadda. Waxaana la oran karaa Turkigu waa dal qabtay wax muuqda oo ka duwan dhammaan dalalka kale ee sheegta inay taageeraan ama boqolaal milyan ku bixiyaan Soomaaliya haddana aan laga arkin wax la sheegi karo.

Isha: Goobjooge

- Advertisement -

Read more

Local News