Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa ka hadlay shirka dib u hishiisiinta ee ka socda degmada Afgooye, kaasi oo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo maleeshiyaadka ku dagaalamayay Shabeelaha Hoose.
Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa arin wanaagsan ku tilmaamay in labadaasi dhinac ay qaataan in shirka dib uhishiisiinta ay ka wada qeyn galaan, kaasi oo la qorsheynayo in muddo shan maalin ah uu ka socdo degmadaasi.
Wuxuu ka dalbaday dhinacyada shirka ka qeyb galaya iyo dhinacyada kalaba inay isku tanaasulaad sameeyeen si loosoo afjaro colaada mudada dheer u dhaxeysay oo sababtay inay dad badan iska dilaan.
Wuxuu sheegay in dhankooda ay sameyn doonaan dadaalo walbaa oo lagu gaarayo dhameynta dagaalo kale oo ka dhaca deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose oo labada beelood ay wada dagaan, sida uu sheegay.
“Maamulka koofur galbeed wuxuu doonayaa in nabad lagu wada noolaado, waxaan ka dalbanayaa dhamaan dhinacyada ka qeyb galaya shirkaa hal arin oo ah inaad isku tanaasushaan oo nabbada aad ka shaqeysaan”ayuu yiri madaxweynaha maamulka koofur galbeed.
Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa marar badan ku dagaalamay dhinacyo ku kala abtirsada beelaha Habar-gedir iyo Biyo-maal, waxaana dagaaladaasi marar badan la isku dayay in la dhameeyo laakiin ma uusan suurto gelin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

