29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

Xilka loo magacaabay Fahad oo khilaaf ka dhex abuuray Xasan Sh. iyo Faarax

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilka wasiir ee xalay loo magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka mida xubnaha ugu firfircoon xisbiga Madaxweynaha iyo lacag ururiyahoodii doorashadii Madaxweynaha ayaa khilaaf ba’an ka dhex abuuray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Faarax Sheekh C/qaadir.

Khilaafka ayaa ka dhashay xilka loo magacaabay Fahad Yaasiin Xaji Dahir oo ahaa Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, kaasoo aysan dooneyn Faarax iyo Fahad laakiin xilka ay doorteen kuna heshiiyeen markii hore iyaga iyo madaxweynaha uu ahaa: Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ama Amniga Qaranka oo si weyn u daneynayeen Fahada iyo dowladda Qadar.

Kulan shalay  dhex maray Madaxweynaha iyo Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu kala tegay iyadoo muranka arrintan uu keenay inay kala caroodaan labada siyaasadda ku saaxiiba.

Faarax ayaa la sheegay inuu ku hanjabay is casilaad uu gudbin doono Fahad Yaasiin, waxaana madaxweynuhu ku adkeystay inaan waxba laga bedeli karin wasiirada la magacaabay.

Isha: Goobjooge.

- Advertisement -

Read more

Local News