27 C
Mogadishu
Tuesday, December 16, 2025

Xog: Shariif Xasan oo wada abaabul ka dhan ah xukuumada cusub ee Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Somalia, ayaa wada qorsho uu ku doonaayo inuu ku carqaladeeyo Xukuumada cusub ee uu iminka soo dhisay Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Abaabulkaani ayaa ka dambeeyay kadib markii Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cumar ay Shariif Xasan uga baxeen balamo ku aadan Liis ay ku qornaayen Wasiiro uu isaga usoo xushay in loogu daro Xukuumada cusub, balse Xasan iyo Cumar Cabdirashiid ay laaden liiskaasi.

Xasan iyo R/W CC oo siyaabo kala duwan Liisas uga gudoomay Jawaari iyo Shariif Xasan ayaa waxaa suuragashay inay qaatan Liiska Jawaari, si 20-ka wasiir loo mariyo BF Somalia iyaga oo aan la kulmin wax caqabad ah, una helaan taageerada Jawaari.

Wasiiradii Digil iyo Mirifle ugu jiray Xukuumadii la kala diray, ayaa waxaa la yimid Shariif Xasan waana tan keentay in Maxamed Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha BF ka jiifto kaalintii uu ku lahaa isu keenida Xasan, Cumar Cabdirashiid iyo Xildhibaanada oo dhinac ahaa.

Fashilkii ku yimid Xukuumadii la kala diray ayaa waxaa la rumeysan yahay in Jawaari uu ka ciyaarayay kaalin weyn, isagoona dhowr jeer ka caga jiiday Codsi uga yimid Madaxweynaha oo ahaa in Xildhibaanada uu ka dhaadhiciyo ansixinta xukuumada.

Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa iminka maslaxad u arkay in Wasiirada Digil iyo Mirifle uu soo xulo Jawaari, waxaana Gudoomiyaha BF looga fadhiyaa in Wasiirada cusub buuq la’aan uu marsiiyo Baarlamaanka.

Arrintaani ayaa sabab u noqotay in Shariif Xassan uu bilaabo Abaabul ka dhan ah Xukuumada cusub waxaana suuragal ah inuu saameyn ku yeesho is hortaag lagu sameeyo Wasiirada, iyadoona ay xusid mudan tahay in uu saaxiibo bada ku lee yahay baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News