Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah wasiirada cusub ee xukuumadda cusub ay doonayaan inay xilalkooda iska casilaan.
Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Fahad Yaasiin oo loo magacaabay wasiirka dekadada iyo gaadiidka badda uusan ku faraxsanayn xilka loo magacaabay sidaas darteedna uu doonayo in magaciisa laga saaro golaha wasiirada, sida laga soo xigtay saaxiibo ku dhow dhow.
Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in durbadiiba uu Fahad la kulmay Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare CC isagoona ka dalbaday in laga saaro liiska Wasiirada cusub ama loo wareejiyo wasaarad kale.
Waxa uu si gaar ah u doonayaa Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ama Amniga Qaranka.
Sidoo kale, waxaa la soo warinayaa in isaguna uu is Casili rabo Cabdirixman Yuusuf Cali Caynte oo ah wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga oo qoyskiisa iyo saaxiibadiis ay kula taliyeen in halkaasi uu ku waayo Sumcadiisa maadaama ay Xukuumadu isu bedeshay mid marba uu ku dhagan yahay Xildhibaan.
Ceynte iyo Fahad, ayaa waxaa hadda qancinaya Faarax iyo Xasan Sheekh, si aysan xukuumadda u fashilmin, lamana yaqaan inay aqbali doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

